Saxilnews.com
Deg Deg Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Xukun Adag Ku Riday Hooyo Dishay Wiilkeeda
November 19, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Ceerigaabo(Saxilnews) Maxkamadda racfaanka ee gobolka Sanaag ayaa xukun ku riday hooyo Sahra Maxamed Faarax.

Hooyadann oo lagu xukumay sideed sanadood oo xadhiga ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay dishay wiilkeeda, waxaanay hooyadani hore racfaan uga qaadatay maxkamadda.

Hooyadani oo maanta la horkeenay maxkamadda ayaa waxaa goobtii xukunkeedu ka dhacayay goob joogayaal ka ahaa qareenkii u doodayay hooyadan, xubno ka tirsan eheldadeeda iyo waliba bulshada rayidka ah.

Waxaana xukunka hooyadani lagu riday warbaahinta u akhriyay Maxamed Axmed Cabdale waxaanu yidhi “waxay maxkamadda tashigu ku heshay racfaanleyda Sahra Maxamed Faarax labada danbi eek ala ah danbiga ah, Dhileysiga Sinada oo qodobkiisu yahay 426 xeerka ciqaabta Somaliland iyo danbiga dilis ilma yar oo danbigiisu yahay 435 xeerka ciqaabta sidaas darteed waxaa ay maxkamadda racfaanka ee gobolka Sanaag qaybteeda tashiga ahi soo saartay xukunkan”

“Qodobkiisa koobaad maxkamaddu waxaa ay diiday asbaabta racfaan ee racfaanleyda Sahra Maxamed Faarax iyo qareenkeeda Axmed Aadan Jaamac waxaanay aqbashay jawaab celinta asbaabta racfaan ee uu matalayo Yaasin Maxamuud Jaamac, xeer ilaaliye ku xigeenka  koobaad ee maxkamadda gobolka Sanaag,waxaanay wax ka badeshay xukunka maxkamadda gobolka Sanaag ee sumaddeedu tahay 22 ee 2016 ee la qorey 20/82016 waxaanay maxkamaddu Sahra ku xukuntay Sahra Maxamed Faarax oo 24-sano jira ina Faadumo Cawil xadhig dhan Sideed sanadood oo xadhiga waxaana xukunkeeda loo adeegsaday qodobada 208, 209, 225, xeerka habka ciqaabta iyo qodobka 435, 426 xeerka ciqaabta Somaliland waxaana lagu dhawaaqay maanta oo taariikhdu tahay 19/11/2016 waxaa u furan cidii ku qanci weyda cabasho sodon maalmooda, kana bilaabmaysa markii xukunkan lagu dhawaaqay”

Dhacdadan ayaa ah dhacdo ugub ku ah gobolka Sanaag waana markii u horeysay ee ay xukun noocan oo kale ah ay rido maxkamada racfaanka ee gobolka Sanaag

 

COMMENTS
Latest News