Saxilnews.com
Deg Deg :- Madaxweyne Oo Iminka Magacaabis Sameeyey Kadib Masuulyiinta Saaka Iska Casilay Xukuumadiisa
October 25, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa (Saxilnews):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uumaanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
Latest News