Hargeysa (Saxilnews):- Waxaa wax ka bedel lagu sameeyey jadwalka shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani waxaana sidaasi dadweynah ku war galiyey gudoomiyaha golaha dhexe muddane Cismaan Afgaab.
Gudoomiyaha golaha dhexe waxaa uu ugu horeyn sheegay in mudada uu socon doono shirka golaha dhexe ay noqon doonta saddex maalmood oo hore loogu qoondeeyey in uu noqdo laba maalmood .
Maallinta Bari ah waxaa uu shirkani ka sii socon doona hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa isla markaana waxaa la cusuumay aqoon yahanka iyo dhalinyarada Somaliland ee jaamacada ka baxdey si ay arigtidooda ugu daraaan buuga siyaasiga ah ee xisbiga Waddani
Ugu danbeyn waxaa shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani la soo gabo gabeyn doona maalinta Sabtida ah oo la dooran doono musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa kaas oo ay munaasibadaasi ka dhici doonto Hotel Ambasadoor.