Saxilnews.com
Deg Deg :- Guddida Fulinta Xisbiga Waddani Oo Xilkii Ka Qaadey Gudoomiye Ku Xigeenkii Koowaad Iyo Labaad Ee Xisbigaasi
November 14, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudida Fulinta ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maanta

kulan yeeshay waxaa ay xilkii ka qadeen gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed iyo gudoomiye ku xigeenkii labaad Faraax Maxumud Cabdule (Faarax Dheere ) .

Gudida fulinta oo iminka warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbigu waxaa ay sheegeen in Axmed Muumin Seed Iyo Faarax Dheere ay jabiyeen xeerkii xisbiga isla markaana ay ku gacan seydheen ergoooyin xisbigu u diray oo gooni gooni ugu tagay isla markaana wada hadalo wada yeesheen .

 

Fiiro Gaar : Muuqaalka Warkan iyo Warsaxaafadeedka Xisbiga goor dhaw ka filo shabakada Ilaysnews.com

COMMENTS
Latest News