Saxilnews.com
Deg Deg :- Golaha Guurtida Somaliland Oo Saaka Dood Adag Ka Dib Ansixin Sameeyey +  Maxay Ansixiyeen 
February 28, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Fadhigii ay saaka isku yimadeen golaha guurtida Somaliland ayaa waxaaay dood adag ka yeeshen ajandaha kal-fadhiga 62 aad ee golahaasi oo sabtidii Furmey .

Fadhigan oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha Golahaasi Saleeban Maxamuud Aadan ayaa dood adag ka dib waxaa ay xildhibaanada golahaasi cod gacan taag ah ku ansixiyeen ajandaha kal-fadhiga 62 ee golaasi oo ay ku jirto muddo kordhin loo sameyn doono xukuumada madaxweyne Siilany mar labad.

 

Ajandaha kal-fahdiga 62 ee golahaasi waxaa ogolaadey 65 xildhibaan ,1 xildhibaan waa diiday ,1 xildhibaana waa ka aamusay sidaasna waxaa ku ansaxay ajandaha kal-fahdiga 62 ee golaha guurtida Somaliland

Todobaadka soo socda ayaa waxaa la filayaa in xildhibaanada golahaasi la hor keeno muddo kordhinta xukuumada

COMMENTS
Latest News