Saxilnews.com
Deg Deg :-Doorashadii Madaxtinimo Ee Somaliya Oo Bari Dhici Doonta , Mid Ka Mid Ah Musharaxiinta Oo Hada Tanaasulay Iyo Sababta Oo Uu Sheegay Sawiro/Muuqaal
February 7, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Musharax Madaxweyne SenetorC/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo horey uga mid ahaa Musharaxiinta u taagan Xilka Madxaweynaha Soomaaliya ayaa goordhaweyd shaaca ka qaaday in uu tanaasulay kana hadhey taranka madaxweyne nimo .

Faroole ayaa ashir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa, waxa uuna ugu baaqay Musharaxiinta kale in iyana qarakood tanasaulana si loo yareeyo tirada badan ee Musharaxiinta.

 

Waxa uu sheegay Faroole in iskiis u go’aansaday in uu tartanka ka hadho, waxa uuna tilmaamay in uu jecleestay in uu fursad siiyo Musharaxiinta kale ee u tartameysa hoganaka dalka si ay isbadaka ula yimaadaan.

Natiijada sawirka madaxweyne faroole

Wali si rasmi ah looma oaga sabbata soo dedejisay tanasaulka Musharax C/Raxmaan Faroole, waxaana warar soo baxaya sheegayaa in uu Musharax isbaheysi la sameestay Musharax kale oo kamid ah xubnaha ugu cad cad ee doorashada.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News