Saxilnews.com
Deg Deg:-Dawlada Puntland Oo War Kasoo Saartay Sida Ay U Aragto Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya
February 23, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Garoowe (Saxilnews):- War qoraal ah oo goor dhaweyd ka soo baxay maamulkaPuntland ayaa waxaa ay kaga hadleen sida ay u arkaan raysal wasaaraha cusub ee loo magacaabey dalka Somaliya

Waxaa ay sheegen maamulka Puntland in hambalyo u dirtayaan Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliy isla markaana raysal wasaaraha cusub ku rajo weyn yahiin in uu kasoo bixi karo xilka loo magacaabay

 

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland

Puntland waxay si weyn ugu hambalyeynaysaa Raiisal wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta loo magacaabay xilka Raiisal wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saartay Puntland

Puntland ayaa u aragta Xasan Cali Khayre in uu ka soo bixi karo mas’uuliyadda loo igmaday,isagoo horay u soo qabtay arrimo badan oo xaga Bini’aadaninimada ah oo maanta Somaliya ay baahi badan u qabto.

Puntland waxa ay balan qaaday inay la shaqeyn doontaa isla markaana ay gacan siin doontaa Raiisal wasàraha jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxayna ka rajaynaysaa ummada Somaliyed in si dhaw loola shaqeeyo.

COMMENTS
Latest News