Saxilnews.com
Deg Deg :- Dawlada Jabuuti Oo Si Adag Uga Digtay Dhibaatooyin Ka Dhalan Kara Saldhiga Military Ee Dawlada Imaraadka Laga Siiyey Berbera 
February 19, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Jabuuti (Saxilnews):- Dawlada aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa waxaa ay markii ugu horeysayay ka hadashey saldhiga Military ee dawlada imaraadka laga siiyey magaalada Berbera .

Waxaana ay dawlada Jabuuti xukuumada Somaliland uga digtay dhibaatooyin ay saldhigaasi ka dhaxali karto , isaga oo tusaale u soo qaatey hadii ay dhibaatooyin ay geystaan ciidamadaasi in aanay jirin safaarad imaaradku leeyahay oo Somaliland ku taala oo looga ashkatooto

 

” Wadankan aynu jaarka nahay ee Somaliland hadii aynu tusaale u soo qaadanayo , kolkaad aragto wadan aan meeshii deganeen , oo siyaasad ahaan maqan kolka uu ciidan uu keeno hadii ay dhibaato dhacdo yaa lala sheekaysan doona oo sidee baa wax looga qaban doona , lakiin Jabuuti hadii aad eegto Mareykan baa nala jooga oo safaarad Mareykan ah baa nala joogta , ciidan German ah baa nala jooga , safaarad German ah baa nala joogta ” ayuu yidhi

Sidoo kale waxa uu Dr Ismaciil Waceys oo ah La taliyaha arimaha dhaqalaaha ee madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo isagu arintani ka hadley waxaa uu ugu baaqay Somaliland inta ay is qoomameen laheyd marka ay ciidamadu soo deegan in ay iminka arintaasi ka sii fikiraan

Dhinca kale waxaa uu sarkaalkan ka tirsan xafiiska madaxweyne Geele uu banaanka soo dhigay faa,idoyinka ay dawlada Jabuuti ka hesho saldhig yada dalkeeda ay ka siisay dawlada caalamka iyo qaabka ay u siisay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News