Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Xildhibaankii Ugu Awooda Badnaa Gobalka Gabilay Oo Hada Iska Casilay Kulmiye Kuna Biiray Waddanni “.. Kulmiye Waa Inoo Gabilay “
October 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu iska casilay xisbiga Kulmiye mid ka mid ah xildhibanaadi ugu awooda badnaa gobalka Gabilay

Xildhibaankan oo lagu Magacaabo Mahdi Maxamed Xaashi  waxaa uu shaaciyey in maanta uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu sheegay in uu ka dhex arkay in rajadii shacabka Somaliland in ay ku dhex jirto

Sidoo kale xildhibaankan ayaa waxaa uu hadalo hanjabaad ah hawda u mariyey xisbiga Kulmiye isaga oo ku hanjabey in dhamaan beeshii soo dooratey eeAkishe ay si rasmi ah ugu biireen Waddani isla markaana Tuureen Heeryadi Kulmiye

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News