Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Cali Guray Oo Sheegay In Uu Reernimo Ku Taageerayo Muuse Biixi , Xirsi Iyo Maxamed Biixi Yoonis Ku Tilmaamay Siyaasiyiin Dhawac U Geystay Waddani
November 1, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxiklNews):- Cali Yuusuf Axmed Cali Guray oo maanta warbaahintu ay su,aalo daran doori ah ku gantey  ayaa waxaa si lama filaan ah carabkiisa uga soo baxay hadlo  ah in uu Muuse Biixi ku tageero doono Reernimo hadii uu  Jamaal Cali Xussen musharax noqon waayo .

“Muuse Biixi waa  musharax oo Kulmiye ayaa ka dhigtey , Muuse waxuu helay codadka labadii musharax reerkiisa ayaa midi meesha ka baxay , hadii uu ka baxana waxuuna qabyaalad ayuu noqonayaa oo hadaa ma Muuse Biixi ayaa alaab meel laga helay ah ” ayuu yidhi

Sidoo kale Muj Cali Guray ayaa waxaa uu sheegay in siyaasiyintii isbaheysiga ee ku biiray xisbiga Waddani ay dhaawac weyn u geysteen xisbigaasi .

“Qoladii wasiirada ahaa ee ugu badanaa waxay  iska  buuxiyeen xisbiga Wadanni labada nin ee ugu culusi waa ina biixi  yoonis iyo Xirsi waxynu eegnaa codka ay u keenan Waddani waxbay yeeleen ” ayuu yidhi .

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News