Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Bulsho Tv Oo Raali Galin Ka Bixisey War Been Abuur Ah Oo Xisbiga Waddani Laga Sameeyey , Kashifteyna Cidii Ka Danbeysay
October 24, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa (Saxilnews):- Agaasimaha telefishanka Bulsho Tv Xafiiskiisa Magaalada Moqdisho iyo badhtamaha Somaliya Yaasiin Maxamed Cali ( Yasiin Faytin ) ayaa waxaa uu raali galin ka bixiyey war been abuur ah oo xisbiga Waddani laga sameeyey maalitii shalay aheyd isla markaana waxaa uu kashifay cidii soo abaabushay isla markaana ka danbeysay warkaas

Image may contain: 1 person, text

Wararkan raali galinta laga bixiyey ayaa ahaa qaar lagu sheegay in lagu taageeray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani

Agaasimaha Bulsho Tv ee Somaliya oo maanta warbaahinta kula Hadley magaalada Moqdisho waxaa uu sheegay in Warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaana uu sameeyey nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan jilibka Hoose ee Musharax Muuse Biixi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir Maxamuud .

Agaasime Faytin ayaa sheegay in dadkan laga duubey muuqaalka ay ahayeen dad baahan oo lacag yar la siiyey isla markaana laga soo ururiyey magalada Moqdisho , loona laqimey waxay odhanayeen oo ay xataa khaldeen

Masuulkan waxaa uu sidoo kale uu carabka ku dhuftey n warkan Been abuurka ah uu ka raali galnaayo Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddan Cabdiraxmaan Ciro iyo dhamaan Taageerayaasha xisbiga Waddani

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News