1. In wada hadal iyo wada xajood lagu dhameeyo khilaaf kasa oo jira
2. In waxii fadqalalo iyo dacaayad gudaheena ah la joojiyo meelna looga soo wada jeesto
3. In meel looga soo wada jeesto waxii gacan saddexaad ah ee faro galin ku sameyn kara inta ay wada hadaladani socdaan
4. in laga wada xajoodo waxii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba
5. In laga wada shaqeeyo xoojinta nabad galyada
6. in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobalka Sool iyo deeganada Sanaag Bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tixgalinaayo mar walba baahiyada iyo xaalada nabad galyo sida ay tahay
7. In aan la qorin ciidamo beeleedyo cusub inta wada hadaladu socdaan
8. In maamul daadajin buuxda la sameeyo oo taabanaysa dhinacyada siyaasada , dhaqaalaha , Maamulka , arimaha bulshada Iyo nabadgalyada
9. In wada jir looga hawl galo sidii mashariic waa weyn oo horumarineed loog hir galin lahaa gobaladaas
10. In la iska kaashado sidii gar gaar loogu raadin lahaa , loona gaadhsiin lahaa dadka ku tabaaleysan abaaraha
11. in Haya’daha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa qarmada midoobey ka hawl galaan kana qaadan xaiyada gobaladaas
Halkan Hoose Ka Akhriso warqadaas