Saxilnews.com
Deg Deg Akhri :- Magacyada Masuulyiinta Maamulka Khaatumo Uga Qeyb Galaya Wadahadalada Somaliland Iyo Cali Khaliif Oo Laga Reebay Liiska
November 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Buuhoodle (Saxilnews):- Shirar hoosaadyo maalmihii u dambeeyay u socday golaha sare ee G11 iyo xubnahamaamulka khaatumo ee buuhoodle ku sugan ayaa xalay la isku raacay xubnaha maamulka khaatumo u matalaya wada-hadalada somaliland iyo khaatumo kuwaas noqonaya 8 xubnood, laba xubnood waxaa laga xulay golaha wasiirada halka xubinta baarlamanka u matali doono gudoomiyaha baarlamanka khaatumo oo liiska ka dhex-muuqda

Madaxweynaha khaatumo Cali Khaliif oo aan ka muuqan xubnaha wada-hadalada khaatumo iyo somaliland ayaa diidan in laga saaro liiska wada-hadalada oo uu horey u qorshaynayay inuu hogaamiyo gudiga wada-hadalada khaatumo iyo somaliland waxaana dhici karta inuu horey u soo raaco oo lagu arko madasha wada-hadalada khaatumo iyo somaliland.

Xubnaha Gudaha Jooga ee ku jira Liiska Wada hadalada

1. Maxamuud Shiikh Cumar Xassan

2. Maxamuud Ismaciil Shabac

3. Axmed Xaaji Cali

4. Baayar Mahdi

Xubnaha Dibada Jooga

1. Cali Ciise Cabdi

2. Cabdikariin Xassan Jaamac

3.  Cabdirashiid Maxamed Faarax

4. Abshir Cawil Cabdi dhiif

COMMENTS
Latest News