Saxilnews.com
DEG DEG :- AGAASIME KA TIRSAN XUKUUMADA SIILANYO OO QAWADEY MANSABKA UU KA HELAY ISKU SHAANTII KUNA HANJABEY IN UU IS CASILAAYO .
August 17, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargysa (Saxilnews):- Warar xog ogaal ah oo ay shabakada saxilnews.com ka helayso xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan  in agaasime ka tirsan xukuumada Madaxweyne siilanyo uu qawadey mansab uu ka helay isku shaandheyn uu dhawaan madaxweyne Siilanyo sameeyey

 

Masuulkan ooo ah agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland Amp Cabdifataax Siciid Maxamed ayaa waxaa uu madaxweyne siilanyo u bedelay in uu noqdo agaasimaha dawladaha Hoose

Xilkaasi  ma noqon mid uu ku qanco Masuulkani waxaana uu saaka agaasimuhu uu kulan garnaqasi ah ugu tagay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi isla markaana waxaa uu ka war galiyey in aanu xilkan ku qanacsaneen .

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sida  ay xoguhu nagu soo gaadhayaan  waxaa uu agaasimaha u sheegay  in cabashadiisa la tix galinaayo isla markaana la dalacsiin doono marka ay xukuumada ka so dhamaan arimaha bariga oo dhawaan gobalka Sool laga bilaabayo diwaangalintii  cod bixiyayaasha

Agaasime Cabdifataax ayaa  sida ay noo sheegayaan xogo kulankaasi ka ag dhawaa waxaa uu wasiirka madaxtooyada ugu hanjabey in uu is casilaayo isla markaana uu ku noqon doono mucaarid kulul .

COMMENTS
Latest News