DEG DEG AFAR KA MID AH FANAANIINTA XIDIGAHA GEESKA OO XABSIGA LAGU RIDAY MARKII AY KA SOO LAABTEEN MUQDISHO

0
28

Hargeisa (Saxilnews)-Qaar Ka mida Fanaaniinta Xiddigaha geeska oo Bandhig faneeedyo ka soo dhigay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa maanta markii ay soo gaadheen Caasimadda Hargaysa ee Somaliland, ayaa Ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen

Fanaaniintan Xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah Xamda Queen, Nimcaan Hilaac, Cabdiraxmaan Oday iyo Maxamed Axmed Bakaal (Cirro), waxaannay habbeenkii Ciidda bandhig faneed ku qabteen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay ku soo bandhigeen Heesaha aadka loo jecel yahay ee ay qaadaan Fanaaniinta kooxdaasi.

Inkastoo aannay jirin war rasmiya oo ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka oo la xidhiidha xadhiga Fanaaniintan ka tirsan Kooxda Xiddigaha geeska, haddana wararka

aannu helaynaa waxay sheegayaan in sbaabta Xadhigoodda ka dambaysaa ay salka ku hayso Safarka shaqo ee ay ku tageen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Si kastaba ahaatee kooxda Xiddigaha geeska oo xaruntoodu ku taalla Caasimadda Hargaysa, ayaa xukuumadda talada haysa ay isku khilaafeen safaro ay doonnayeen inay ku tagaan Magaalada Muqdisho,kuwaasoo la xidhiidhay arrimmo dhinaca Fankooda ku saabsan, waxaanna dhawr bilood ka hor safar uu magaalada Muqdisho ku tagay fanaanka Nimcaan Hilaac, iyadoo markii uu Hargaysa ku soo laabtay-na Xabsiga loo taxaabay.

Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga lagula kacay Fanaaniinta xiddigaha geeska, waxaannu sheegay in Xadhigooddu yahay Sharci-darro badheedh ah

 

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here