Hargeysa (Saxilnews) Wafti ballaadhan oo ay hogaaminayaan Wasiirada Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda JSL ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Funkfrant ee dalka Dalka Germany .
Waftigan ayaa ka kooban , Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Dr. Cumar Shucayb Maxamed ,Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Dr. Sacad Cali, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL iyo ganacsato reer Somaliland ah.
Ujeeddada Safarka Waftigan balaadhan ayaa ah sidii ay ula shiri lahaayeen Maalgashadaayaal Caalamiya ah, iyada oo uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgahiga JSL Dr. Cumar Shucayb Mohamed in u jeeddada ay kaleeyihiin ay tahay sidii looga dhaadhicin lahaa maalgashadayaasha caalamka inuu dalkeennu yahay dal u furan maalgashi iyo Ganacsi.
Shirkan Maalgashi ayaa lafilayaa inuu qaato muddo 10 maalmood ah , halkaas
oo ay sidoo kale ganacsatada reer Somaliland ay ku soo bandhigi doonaan Ganacsiyadooda.
Shirkan ayaa si wayn loo sugayaa waxa uu ku soo kordhiyo heerka dhaqaale ee dalka JSL , iyada oo ay hore u jireen shirar maalgashi iyo ganacsi oo dalka dibadiisa lagu qabtay sida shirkii kadhacay 2014 kii magaalada Landon oo aan soo kordhin is badal lataaban karo, hasayeeshee Wasiirka Cusub ee dhawaan loo magcaabay Wasaradda Ganacsiga ayaa ah Wasiir khibrad balaadhan u leh ganacsiga , muddo dheerna ahaa mid kamida Ganacsadayaasha dalka.











