Saxilnews.com
Dawlada Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartey Xerada Dhadhaab Oo Ay Hore U Sheegtay In Ay Xidheyso .
November 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Nairobi (Saxilnews):- Dawlada dalka Kenya ayaa waxaa ay maanta war cusub ka soo saartey xerada qaxoontiga ee dhadhaab oo ay hore u sheegtay in ay albaabada isku dhufaneyso .

Xukuumadda Kenya waxaa ay sheegtey in ay hakisay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho.

Wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery wuxuu intaa ku daray in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn – Dhadhaab – ay sii socon doonto.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen xukuumadda inay qaxootiga ku khasbayso inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, walow xaaladaha dalkooda ka jira ay yihiin kuwo adag.

COMMENTS
Latest News