DAWLADA HOOSE EE BERBERA OO LA SHEEGAY IN LAGA XADAY JEEG SADEX BOQOL OO MILYAN OO SHILIN SOMALILAND AHI KU QORANTAHAY OO UU LEEYAHAY XILDHIBAAN MAXAMED CALI XIRSI(OBAMA)IYO GANACSADE REER BERBERA AH OO LOO XIDHAY””’

0
20

Berbera (Saxilnews.com)-Mayirka Degmada Berbera C.shakuur Maxamed Xasan Ciddin Ayaa Xabsiga u Taxaabey Ganacsade C/wahaab Aw Caqli Waxaana Sida La sheegay Ganacsade Cabdiwahaab lagu Soo Edeeyey inuu Gacanta ku hayo Check laga Xadey Waaxda Maaliyada Dowlada Hoose ee Berbera ,jegaasoo ay Sida Ilo Wareedyo u Dhuun Daloola Arrinkaasi ay u Xaqijiyeen Shabakada Wararka ee Mandheera.com uu leeyahay Gudoomiyaha Guddida Dabogalka Hantida Qaranka ee Gudihosaadka Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ku Magac-dheer(Obama)waxaana lacagtiisa lagu qiyaasay 300.000.000 Saddex Boqol oo Milyan oo S/land Shilling ah oo u dhiganta $40,000, oo Xildhibaanka lagaga Laaluushay Mooshinkii Maayirada Dalku ay ka qayliyeen ee Horaantii Sanadkan Barlamaanka Somaliland la Hor keenay islamarkaasina Mooshinkaasi uu hormood ka ahaa Xildhibaan Obama

Waxaana Mooshinkaasi oo Markii la horkeenay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Dood dheer kadib ay Cod Gacan Taaag ah Dib ugu Celiyeen ,Taas oo Xildhibaan Obama u Cuntami Weyday , islamarkaasina uu Balan qaadey inaanu ka nasaneynin oo Markale uu Dib ugu Soo Celin doono ,Waxaaney Arrintaasi keentay inay Ruxmaan qaar katirsan Maayirada Dalka oo ka Mid yahay Maayirka Degmada Berbera C.shakuur Ciddin , oo Sida la sheegay uu Xildhibaanka ku Naasnujiyey Qandaraas Lagu Dhireynayo Magaalada Berbera ,Qandaraaskaas oo ilaa hadda aan laga Fulin Magaalada

Sidoo kale Mar aanu la Xidhiidhnay Ganacsade C.wahaab Aw Caqli oo ah Ganacsadaha Maamulka Dawlada Hoose Xabsiga u Taxaabtey oo Goor Dhaweyd la Sii dayey ayaa noo Xaqiijiyey in la xidhay islamarkaasina lagu Soo Edeeyey inuu Dawlad Hoose ka qaatey Jeeg Lacageed oo aanu lahayn Waxaanu intaasi ii Raaciyey inuu Maalin Maalmaha kamid aheyd oo uu Dawlada hoose lacag ka qadanayey ay isku Khaldameen Foojar uu leeyahay oo 43,000,000 Milyan ah iyo Foojar kale oo ay ku qoran Tahay lacag 304,000,000 Saddex Boqol iyo Afar Milyan ah oo uu ku qoran yahay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, Kadibna Markii aan Saxeexay aan Ogaadey inaanu Foojarkaasi aheyn Kaygii kadibna aan Dib u Celiyey islamarkaana Aan qaatey Jeegaygii oo ay ku qorney 43,000.000 Saddex iyo Afartan Milyan oo S/land Shilling ah ,Waxa kale oo Ganacsade Cabdi wahaab aanu weydiiney Cida Amartay Xadhigiisan Waxaaanu ii Sheegay in Taliyaha C.I.D uu Sheegay inuu Xadhigayga Amrey Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin

Dhinaca kale Maayirka Degmada Berbera C.shakuur Maxamed Xasan Ciddin iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Suheyb Maxamed Cali oo aanu isku deynay inaanu Wax ka Weydiino Arrinta Jegaasi Lacagta ah e laga Xadey Dawlada Hoose ee ay Madaxda ka yihiin iyo haddii uu jiro Kiiskaasi Loo Xidhay Cabdi Wahaab Sida looga Xadey ayaaney noo Suura galin Kadiib Markii aanu Telefanada Gacanta ee Xoghaya oo aanu Garaacney uu Naga Qaban waayeen ,halka Mayirka Cidina Telefankiisa Gacantu uu Xidhnaa Sacadaasi, Sidoo Kalena Aanu Garacney Sarakiisha Waaxda Maaliyada Dawlada Hoose e Berbera Balse aney Noo Suuro Galin

Si kastaba Xaajadu ha ahatee Markii aanu Xaaladani Dhinacyo Badan aanu ka Xogwareysanay Ayaa Waxaa noo Cadaatey in Maayir C.shakuur uu Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Qandaraas Dhireynta Magalada Berbera uu Siiyey kadibna ay labo garab oo kale ah Maayirkii hore ee Berbera Cabdale Maxamed Carab iyo Xildhibaan Siciid Cartan oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland ,iyo Garabka kale oo ay kamid yihiin Xildhibaan C,rashiid Maxamed Xaaji yuusuf iyo Xildhibaan Maxamud c.laahi aw aden(Bidhiidh) oo katirsan Golaha Degaanka Berbera islamarkaana ah Xildhibaanada ugu dhow Maayir Ciddin ay kale Jiidanayaan Qandaraaskaasi lagu Mustafeeyey Xildhibaan Obama oo Garab Waliba Doonayo inuu la Cuno Qandaraaskaasi Xildhibaan Obama lagu Marxabeysiyey ,taasina ay keentay inay Debadda u Soo Saarto Fadeexaddan Caawa loo Xidhay Ganacsade Cabdiwahaab Aw Caqli.

Xigasho Mandheeranews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here