DAWLADA HOOSE CAASIMADA HARGEYSA OO KA HADASHAY IS-BEDELKA AY KU SAMEYSAY HANAANKA WADDO-MARISTA OO DHAQANGALAY MAANTA

0
19

Hargeysa(Saxilnews.com)-Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa maanta si rasmi ah uga dhaqangalay is-bedel lagu sameeyey Hanaanka waddo-marista jidadka Magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhawaan Dawlada Hoose ku dhawaaqday is-bedelkaasi.

Mayaar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa ahna Ku-Simaha Maayirka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-Weyne) Iyo Xoghayaha Dawalda Hoose Ibraahim Axmed Raabi ayaa ka warbixiyay hanaankan cusub, isla markaana waxay sheegeen In nidaamkan Cusubi uu noqon doono mid ay bulshadu ku reyn doonto

Maayir Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne oo ka hadlayay is-bedelka lagu sameeyey jidka weyn ee halbowlaha ah iyo jidka dhakhtarka weyn daba-maraya ayaa waxa uu yidhi “Waxaa aan marka ugu horeysa aan halkan uga mahad-naqayaa Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, Taliyaha Ciidamada Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan,Taliyaha Taraafikada waxaanan uga mahad-naqayaa sida wanaagsan ee ay noola shaqeeyeen waxaa kale oo aan halkan uga mahad-naqayaa dad-weynaha Gaadiidleyda ah ee ku dhaqmay amaradii naga soo baxdey”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaa kale oo aan maanta halkan ka sheegaya in talaabada tan kuxigtaa inay noqon doonto Bas Stop-Kii , Caasimadana uma ogalaan doono (Traffic Jam ) Gaadhi Bas ah oo meel walba iska istaagi doonana ma Jiri doono “

Xoghayaha Dawalda Hoose ee Magaalda Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Hanankan cusbi waa mid lagu kala yareenayo culeyska Gadiidka ee Caasimada Hargeysa, horena Isbedelku Tijaabo ayuu ahaa Imikana kii rasmiga ahaa weeye, markaas wax yaabihii ka soo baxay Is-bedelkii hore ee uu khaladku ka Jirey ayuun-baa la saxaayey Ilaa Saakana Waanu Kormeereynay wanaag mooye wax walba sidii loogu talogalay ayey u socotaa Ilaa hada.Gadiidleyda waxaanu u sheegeynaa dee Iyaga uun baanu u shaqeyneynaa ee waa inay nidaamka Ilaaliyaan “ .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here