Saxilnews.com
dawlada Britain oo u digtay madaxda South Sudan””
August 16, 2015 - Written by admin
Britain (Saxilnews.com)..Britain ayaa sheegtay inay ka baaraan degayso xayiraado ay saarto hogaamiyeyaasha South Sudan, haddii ay ku guul darraystaan inay saxiixaan heshiis nabadeed wixii loo gaaro Isniinta.Xukuumadda iyo fallaagada waxay labadaba sheegayaan inay adag tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo xiisadda 20-ka bilood taagnayd.

Madaxweynaha South Sudan Salava Kiir ayaa sheegay inuusan ka qayb gali doonin shir madaxeedka nabadda ee ka dhacaya Itoobiya, uuna diri doono ku xigeenkiisa.

Saraakiil sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa fallaagada ayaa iyagana sheegay inaysan aqoonsanayn awoodda hogaamiyahooda Riek Machar, ayadoo sababtuna tahay inuu damacsan yahay inuu saxiixo heshiis awoodda lagu qaybsanayo.

Maxamed hassan
saxilnews005@gmail.com
WWW.Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News