Saxilnews.com
Dallada Dhalinyarada Horseed Oo Beeniyay In Uu Qabsoomay Shir Ka Dhacay Hoteel Maansoor
November 25, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Shir aan caadi ahayn oo ay xalay  Hotelka baane isugu yimadeen hogaanka sare ee dalada dhalin guud ee dhalin yarada beesha da.uud ismaciil waxay kaso saaren qodobadan
1) Ma jiro shir ka dhacay hoteelka maansor oo ay beeshu gashay waana been abuur
2) Dalada dhalin yarta beesha ee horseed waxay cambaraynaysa kuwa ku suntan dabadhilif nimada iyo inay meel kaga dhacaan magaca sharafta badan ee beelwaynta cidagale.
3) Dalada dhalinrta cidagale waxay cadaynaysa in odoyashu aanay wax doora ku lahayn jihaynta siyaasada ee reerka. Taasna dhalin yarta iyo bahwaynta reerku waxay u daba fadhiyaan siyaasiyinta reerka ee u hormoodka u yahay prof buuba
4) Ugu dambayn waxan bulshada u cadaynayna in beeshu maanta dhaaftay xiligi ay u talin lahayeen danaystayaal aan ka fikirayn mustaqbalka iyo aayaha dhalin yaradooda
5) Waxan aad uga xumahay in ay maanta kuwa guul wadayaasha ahi ay cadeyeen wixi anu hore u sheegnay oo ah in faisal ali waraabe lagu guurayo.
6) Dalada guud ee dhalin yarta beesha cidagale waxay cadaynaysa in aanay nimankasi wax sumcada iyo wax saamayna toona aanay ku lahayn beesha.


Dhalinyarta oo ah kuwa codeeyana anaka ayaa ku hadli karna afkooda
Kana talinayna mustaqbalkooda.
Waxan ahay quwad aan cidna uga habranayn masuuliyada saaran
Ugu danbayn daladu waxay tageeraysa in cududa maalka hantida iyo fikirkaba la isugu geeyo sidi kursiga ugu sareeya dalka lo fuuli laha


By Gudoomiye Abdirahman Sudi
Agaasime Siciid Xaashi
Afhayeen Abdirashiid
Wabilahi Towfiiq

COMMENTS
Latest News