Saxilnews.com
Dagmada sheikh maalinti gobolka saaxil la raciyey ee togdheer lagaso gooyey ayay dulmanatay
June 29, 2020 - Written by editor

dagmada sheikh waa dagmo fac wayn oo taarikh soo jirena leh waana dagmo baaxad wayn oo khayrad badani ku duuganyahay, waa dagmo ka tirsanayd gobalka togdheer ,balse waxa ay god madaw gashay malinti lagaso gooyey gobalkas ee lagu daray gobalka saaxil malintas waxa dagmadas haleelay inay noqoto meel gadoon ah sababto ah waa dagmo lagu afduubay jibo reernimo oon laga fiirsan dhibatoyinka laga dhaxli doono waa dagmo la ciirciraysa dhaqaalo xumo taaso dhaman masharicihi horumarineed ee hayadaha caalamiga aay wali ka raacan gobalka togdheer, gobalka saaxil ee lagu darayna aanu siinin waxi ay xaq ugu lahayd tusale ahaan waxa jirta lacag kastamka berbera 10% ah laga siiyo gobalka saaxil lacagtaas oo dagmada berberi iyo goloheeda deegankuba ay cod diidma ku diideen inay wax u jaran dagmada sheikh, halka ay abdaal iyo laasciidle u ogoladeen, waxkale oo takulayn ahna ay ugaba dharteen, waxa dhibaato kale uu gobalku ku hayaa isagoo si aan wafaqsanayn shuruucda dalka u yaala ay dagmada berberi ugu xadgudbayso xuduudaha dagmada taaso inta u damqanaysa dagmada sheikh ay damqayso hadaba iswaydintu waxa weeye in umada dhaman dagmada iyo aqoonyahanba loo fiirsado caqabadahas ku gadaman dagmada waxana inugu waajiba in dhaman laga tashado oo aynu samayno bananbaxayo salmiya oo lagu dalbanayo in dagmada gobalkedi togdheer lagu celiyo inay loo dulmiyo horumarka dagmada qadiyad reernimo oo ah reer hebal aya gobalkas daga ilay sida aynu wada ognahay gobalka saaxil waxu gobol ku yahay dagmadan la dulmiyey inta aqonta iyo aragtida dheer leh ee anu kaso wada jeedno dagmada sheikh waxan ugu baaqaya in damirkoodu midoobo lona so jeesto xal u helida horumarka iyo danaha umada dagta dagmada sheikh wa bilahi tawfiiq
Qore by: Mr cabdiraxman cali axmed
email: cabdiraxmancali948@gmail.com
phone: 0634440777

COMMENTS
Latest News