Saxilnews.com
Dagaal ka dhacay xadka Tunisia iyo Algeria
August 24, 2015 - Written by admin
Ciidamada ammaanka dalka Tuniisiya ayaa wajahaya dagaal ka dhan ah kooxaha islaamiyiinta.

Tunisia (Saxilnews)-Wararka ka imaanaya dalka Tuniisiya ayaa sheeegaya in mid ka mid ah askarta ilaalada xudduudaha dalkaasi la dilay, labo kalena la dhaawacay kaddib markii ay rasaas is weydaarsadeen dagaalyahanada koox jihaad doon ah.

Warbaahinta dalkaasi Tuniisiya ayaa sheegaysa in dagaalkaasi uu ka dhacay magaalada Bouchebka oo u dhow xudduuda uu dalkaasi la wadaago dalka Aljeeriya.

Bishii Juun ee la soo dhaafay ayaa nin hubeysan oo ka tirsan koox islaami ah waxa uu 38 qof oo intooda badan ah dalxiisayaal British ah ku dilay hotel ku yaala xeebta dalkaasi Tuniisiya.

 

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News