Saxilnews.com
Dag Dag:- Masuul Ka Tirsan Xukumadda Siilaanyo Oo Xamar Iska Dhiibay+Sababta.
November 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Masuulka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Siiraanyo Ayaa Waxaa Uu Iska Dhiibay Maamulka Xukumadda Fadaraalka Ah Xamar.

Masuulkan Ayaa Ujeedada Ugu Wayn Ee Uu Xamar U Tagay Ay Tahay In Uu Ka Mid Noqdo Golaha Sare Ee Somaliya Waxaa Uu Ahaa Maareeye Ku Xigeenka Tv.Ga Qaranka Somaliland.

mustafe-qodax

Waxaana Lagu Magacaabaa Mustafe Maxamuud Qodax.

Geesta Kale Ayaa Waxaa La Noo Xaqiijiyay In Safarka Maareeye Ku Xigeenka Tv.Ga Ay Ku Weheliyaan Qaar Ka Tirsan Aqoonyahanka Wax Ka Dhigi Jiray Jaamacadaha Dalka.

Tagitaanka Mustafe Qodax Ayaa Waxay Ka Dambaysay Sidda Hangoolnews loo Xaqiijiyay Ka Dib Markii Uu Banaanaaday Kursi Ay Heleen Jifadda Hoose Ee Uu Ka Soo Jeedo Kaas Oo Sababay In Uu Doonto Jagadaasi.

Ma Ah Masuulkii Ugu Horeeyay Ee Iska Dhiiba Xamar Balse Waxaa Ka Horeeyay Qaryaqaankii Guud Ee Qaranka Ibraahim Saleebaan Iidle Oo Noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Soomaaliya.

Dhinaca Kale Todobaadadii Ugu Dambeeyay Ayaa Guud Ahaan Somaliland Waxaa Laga Dareemayay In La Ururinayaya Ama Loo Yaboohay Dad Fara Badan Oo Masuul Iyo Shiciba Isugu Jira.

COMMENTS
Latest News