Saxilnews.com
“DADWEYNUHU XILDHIBAANADA UMAY SOO DOORAN IN AY MUSHAHAAR ISKA QAATAN WAANA LA BAAFINAYAA XILDHIBAANKII MAQNAADA ” GUD.CALI YUUSUF + MUUQAAL.
August 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Warqad ka soo baxdey xafiiska xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa lagu baafiyey xildhibaano ka tirsan golahasi oo la sheegay in aanay fadhiyadii ugu danbeeyey ka soo qeyb galin .Markii warkan lagu soo daabacay qaar ka mid ah wargeys-yada ka soo baxa dalka ayaa qaar ka  mid ah xildhibaanada la baafinaayey ay ku dhex dhaceen golaha wakiilada isla markaaan ay shir gudooonka golahaasi uga cawdeen sababta wargeys-yada looga baafinaayo

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu u sheegay xildhibaanada cabshada ula yimid in aanay dadweynuhu u dooran in ay mushahar iska qaatan balse loo doortey in ay qaranka u shaqeeyan  xildhibaankii golaha ka soo xaadiri waayana warbaahinta laga  baahin doono

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News