Saxilnews.com
Dad Qoxuunti Ah Oo Kasoo Jeeda Dalka Yamen Oo Dib Loogu Celiyey Markabkii Ay Saarnaayeen Oo Kusoo Xidhay Marsada Berbera+Tirada Dadka Iyo Sababta
October 14, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Shan qof oo ah qoxuunti kasoo jeeda dalka Yamen isla markaana la socday markab kusoo xidhay dekeda Berbera ayaa masuuliyiinta gobolka Saaxil ay dib ugu celiyeen markabkii ay saarnaayeen.

Waxaana markabkan oo siday dad qoxuunti ah la sheegay in shantan qof dib loogu celiyey markabkii ay saarnaayeen,kadib markii ay masuuliyiinta gobolka Saaxil ay sheegeen in aan lasoo baadhin xaaladooda caafimaad,lana dajin Karin ilaa la baadho xaaladooda caafimaad.

Waxaana shan qof ay wali ku xaniban yihiin markabka dushiisa oo dekeda kusoo xidhay Dorraad Khamiistii.Waxaana masuuliyiinta gobolka Saaxil ay diideen in dadkaasi lasoo dajiyo,iyaga oo dib loogu celinayo dalkii ay kasoo qaxeen ee Yamen.

Mudooyinkii u danbeeyey waxa dekeda magaalada Berbera kazoo dagayay qoxuunti kasoo cararay dagaalada kasocda dalka Yamen.

 

www.saxilnews.com

COMMENTS
Latest News