Saxilnews.com
Dabley Jid Gooyooyinka Sameeyay Inta U Dhaxeysa Dila Iyo Boorama + Waxaa Ay Dableydaasi Tahay
February 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Booram(Saxilnews) Maleeshiyaad hubeysan oo dadka iyo gaadiidkaba joojinaya ayaa ka bilaabmay jidka u dhaxeeya degmada Dila  iyo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Qaarka mida dirawaliinta jidka ay u galeen ee ay joojiyeen maleeshiyaadkan hubeysani oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakada wararka ee Hangoolnews ayaa waxaa ay noo sheegeen in rag hubeysani ay u galeen jidka u dhaxeeya degmada Dila iyo magaalada Boorama..

Midka ka mida wadayaasha gaadiidka ee ay goobtaasi ku joojiyeen nimankaasi hubeysan oo diiday in magaciisa loo baahiyo sababo abni ayaa faahfaahin naga siiyay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “Anigu waxaan waday gaadhigii ugu horeyay ee la qabto,nimankuna wadada waxaa ay ku jareen dhagxaan iyo qoryo waa weyn,  saddex nin waxaa ay ku hubeysanaayeen qoryo a47 , halka saddex nin oo kalena ay bilaa hub ahaayeen, sidoo kale niman badan oo hubeysan ayaa buurwada dhinaceeda ku taala iyaguna soo taagnaa intii ay indhaheygu qabteen, weyna joojiyeen waxaanay nagu amreen inaanu gaadhiga dib u celino, waxaanay nagu yidhaaheen gaadhiga kala xeela kuna celiya meeshi aad ka keenteen hadii kale madaxa ayaanu idinka toogan doona, intaas kadib gaadhi wada dhinaceeda ayaanu dhignay waxaana meesha igu yimid oo aanu ku kulanay ilaa afar gaadhi oo kale,wax dhibaato ah oo ay noogeysteena ma jirto, waanay na siidaayeen”

Dhinaca kale mar aanu khadka talefoonka kula xidhiidhnay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in  maleeshiyaadkani ay ka gadoodeen xadhiga maayir ku xigeenkii hore ee gobolka Awdal oo dhawaan ka Hadley weerar ay ciidamada New-Police-ku ku soo qaadeen magaalada Garbahaarey, isaga oo ku dhaleeceeyay maamulka gobolka Gabiley ku eedeeyay in ay arintaasi ka gaabiyeen.

Magaalada Boorama ayaa waxaa xildhibaanadu ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ninkaasi ku soo daayaan, hase ahaate kumay guuleysan soodeynta ninkani.

Ugu danbeyn maamulka gobolka Awdal ayaan wali ka hadal dhacdadan horta leh ee maanta ka dhacday jidka u dhaxeeya magaalada Boorama iyo degmada Tuli

 

Wixii warara ee danbee soo kordha isha ku hey oo kala soco GabileyTV

COMMENTS
Latest News