Saxilnews.com
DABLAY HUBAYSAN OO DIL U GAYSTAY XOGHAYIHII XISBIGA KULMIYE EE GOBOLKA SOOL
May 11, 2018 - Written by editor

Laascaanood(saxilnews.com):-Xoghayihii xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee gobolka Sool Maxamuud Barkhadle Cabdi ayey dablay hubaysani ku dileen gudaha magaalada Laascaanood.

Dablayda hubaysan ayaa dilay Maxamuud Barkhadle Cabdi  oo ku waysaysanaya meherad uu ku leeyahay magaalada Laascaanood wakhti uu u diyaar garoobayey salaadii cishaa’i.

Wararka  laga helayo magaalada Laascaanood ayaan xaqiijin in gacanta lagu dhigay dablaydii dilka gaysatay iyo in kale.

 

 

COMMENTS
Latest News