Saxilnews.com
Dab Xoogan Oo Ka Kacay Buurta Garbo-diir Ee Galbeedka Gobolka Saaxil + Sawiro
July 2, 2020 - Written by admin
Berbera (Saxilnews.com)-
Abaaro afartii galabnino ee shalay ayuu dab xoogani ka kacay deeganka buurta garbodiir oo kamid ah buuraha hodanka ah ee silsilasa Golis ,
Buurtani ayaa masaafo lagu 10km kaga beegan deeganka beerlayada ah ee lasadacawo ee dhinaca galbeed ee Gobolka saaxil.
12 sacadood kadib dadka deeganka ayaa ku guulaystay bakhtiinta dabkaasi oo khasaare dhinaca daaqa ah soo gaadhsiiyey xaga sare buurta oo baadh iyo dhir badani ku taalo .
Cid wax ku noqotay majirto dad iyo xoolo marka laga reebo kayntii naqa ahayd ee buurtaasi sida oo noo xaqiijyey gudoomiye Deeganka laasadacawo Axmed Aadan Coljoog .
Lama oga sababta dhabta ah ee dabkaasi sababtay balse waxaa lagu dabo jiraa dad laga shakhsin yahay .
Nb waa sawiradii xalay markii dabka la bakhtiinayey sida aad halkan ku aragtaan .
Mukhtar A. Eesh-Qiyasak
Berbera

 

COMMENTS
Latest News