Saxilnews.com
Daawo”Golihii Saaka Waa La Afduubey , Xildhibaanadii Reygooda Cabireyna Golaha Hortiisa Ayaa Lagu Garaacay ” Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro
February 12, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah musharaxamadaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaa uu sheegay in fadhigii saaka ee baarlamanka Somaliland yeeshay uu ahaa mid la afduubey .

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibanadii diidanaa heshiiska Saldhiga ciidan golaha hortiisa lagu garaaco , gudoomiye Saleebaana uu arintaasi aqbalo

 

Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu dhinca kale hoosta ka xariiqay in hadii heshiiskan saldhiga Ciidan maanta goluhu ansixiyey in uu isagu qabo fikirka ah in qadiyadii madax banaaninada Somaliland laga noqdey mar hadii dawlada imaraadku Somaliland u aqoonsan tahay maamul gobaleed Somaliya ka tirsan ta saldhiga la siinayaana ay iyada tahay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News