Cabdinaasir Qodax xogahaya guud ee xisbigaasi oo ka war bixinaayey kulan ay maanta gudida doorashooyinku la yeeshen saddexda xisbi qaran waxaa uu sheegay in kominshanku u cadeyeen in dalka ay ka jirto abaar xoogan oo 57 % boqolkiiba todoba iyo kontan ah isla markaana dadkii codeynaayey aanay joogin goobihii ay ka codeyn lahayeen oo ay abaarta ka hayaameen .
” Gudida doorashooyinku waxaa ay noo soo ban dhigeyn xaalad adag oo taabaneysa dadkii kaadhadhka qaatey ee isdiwaangaliyey oo runtii ah duruftaas adag ee abaarta ah ee lixda gobalba ka jirta .
Waxaa ay kormeer ku soo sameyeen gobihiii diwaangalinta ee ay dadku iska diwaangaliyeen waxaana ay noo sheegen in aanay dadkaasi badankoodii aanay joogin goobahoodi , waxaana ay sidoo kale noo sheegen in dadkii isdiwanaagliyey 57 % ay hayaameen oo ay abaartu saameysay ” ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax xoghayha guud ee xisbiga UCID .
https://www.youtube.com/watch?v=NT5aRFsvSfI