Saxilnews.com
Daawo:-Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle Oo Muddo Baddan Ka Dib Maanta Warbaahinta Ka Soo Muuqdey , Arimo Xasaasi Ahna Ka Hadley
February 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle oo ka mid ah mudanaasha golaha wakiilada Somalilandisla markaana laga soo doorto gobalka Sanaag waxaa uu si adag uga hadley saldhiga Military ee xukuumada Somaliland Rabto in ay magaalada Berbera ka siiso dawlada Imaaradka Carabta

 

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in bixinta Saldhigaasi ay dawlada Somaliland ogalaashaheeda ay ka soo qaadatey dawlada Somaliya isla markaana waxaa uu si adag uga digay dhibaatooyin uu qarankan Soo gaadhsiin karo saldhigaasi hadii imaaradka la siiyo

Waxaana uu xildhibaanku Bulshada Somaliland ee soo dooratey cod dheer ugu baaqay in ay fadhiga ka kacaan oo ay dareenkoodu muujiyaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News