Saxilnews.com
Daawo:-Wasiir Cali Mareexan Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabey Dagaal La Sheegay In Uu Dhex Maray Wasiir Kale , Aflaagado Iyo Hadalo Deel Qaaf Ahna Saxaafada La Koray
February 28, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryeenta Somaliland Cali Mareexan ayaawaxaa uu maanta si cadho leh uga jawaabey warar ay dhawaan warbaahin ay ka mid tahay shabakada llaysnews.com baahisay oo ku saabsana dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray wasiirka wasaarada macdanta Xussen Cabdi Ducaale

Muddane Mareexan waxaa uu sidoo kale hadalo deel qaaf iyo aflagaado ah la dul koray saxaafada madax banaan waxana laga dheehan karaayey wajigiisa iyo hadaladiisa sida uu warkan u dhibsadey ugana xumaadey in ay warbaahintu hesho oo ay faafiso warkan

 

Dhinca kale Muddane Cali Mareexan waxaa uu si lama filaan ah afkiisa uga soo baxdey hadalo uu ku sheegaayo in isaga iyo wasiirka kale isku yimaadeen kulan ka dhacay xafiiska gudoomiyaha golaha guurtida

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News