Hargeysa (Saxilnews):- Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan isla markaana hore u ahaa wasiirkii hore ee wasaarada Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa uu maanta qudbad dhinacyo badan tabaneysa uu ka jeediyey munaasibad uu xisbga Waddani ku soo dhaweynaayey siyaasiyiinta isbaheysiga oo xisbigaasi si rasmi ah ugu soo biiray .
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu qudbadiisan qeyb ka mid ah waxaa uu is bar-bar dhig balaadhan ku sameeyey hogaaminta gudoomiye Cabdiraxaan Ciro iyo Muj Muuse Biixi .
“Sanadkaas aan banaanka joognay waxaan gudoomiyaha xisbiga Waddani u qirayaa in uu hogaamiye yahay , waxaan xasuustaa ilaa lix jeer ayuu albaabka gurigeyga soo garaacay oo ii yimid isaga oo ii muujiyey in uu i daneynaayo , saxiibadeydana aanu nin isla taagay aanu jirin .
Balse nasiib daro xisbigii Kulmiye ee aan ka tirsanaa ninkii musharaxa madaxweyne loo afduubay xataa iskumuu deyn bal in ay ku yeelaan ka daba tag oo ku dheh ilaamdeerayaal i dhisa , waxuu is lahaa malaa waa la soo afduubayaa” ayuu yidhi wasiir Xirsi
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=nrW2fNTGdVg






