Hargeysa(Saxilnews):-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaayay xaflad uu xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynaayey taagerayaal tiro badan oo ku soo biirey xisbigaasi ayaa waxa uu ka hadlay ciyaartii shalay ka dhacday Garoonka Hargeysa Staduim ee ay hadheeyeen rabshada keenay dhaawaca ku dhawaad 25 qof oo iskugu jira Ciidamada iyo Shacab.
Muuse Biixi waxa uu sheegay in xaafada Axmed Dhagax aanay gayn waxa meesha ka dhacay isla markaana ayna dadwaynaha xaafadaasi lahayn masuuliyada rabshadahii goobtaasi ka dhacay balse lagu soo dhex dhuuntey.
Halkan ka Daawo Muuqaalka
https://www.youtube.com/watch?v=Te4SJSLqx00







