Saxilnews.com
Daawo:-“Saldhiga Military Ee Berbera Xataa Hadii Baarlamaanku Lacag Ku Ansixiyo Cid Aqbaleysaa Ma Jirto ..” Sheekh Aadan Siiro
February 10, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland ayaawaxaa uu khudbadiisii maanta ee salaada Jumce uu mar labaad si adag uga hadley saldhiga Military ee dawlada imaraadka laga siinayo magaalada Berbera

Sheekha ayaa waxaa uu cod dheer ku sheegay in uu isagu ka mid yahay dadka aamisan in saldhigaasi dhibaato weyn Somaliland u hor seedi karo isla markaana waxaa sheegay xataa hadii ay baarlamaanku lacag ku ansixiyaan heshiiskaas aan la aqbali doonin ilaa ay dadku ku qancaan

 

“Taladeyda koobani waxaa ay tahay waar arintaasi aynu isku hayno waa arin khuseysa dhawr boqol oo sanadood ee yaan lagu deg degin , waxaana aanu leenahay waar caqli ha lagu daro arimaha qaarkood .

Arintan daraasado badan ayaa laga sameeyey oo dad badan oo aqoon leh ay ka sameeyeen anigu waxaan ka mid ahay dadka leh saldhigaasi dhib ayuu ku keenayaa umada mustaqbalkooda iyo maanta inta aynu sidan nahay , umada Somaliland inta caqliga leh waxaanu leenahay Saldhiga Berberi waa dagaal aan wado laheyn , xataa hadii ay baarlamaanku lacag ku ansixiyaan cid aqbaleysa ma jirto dadka oo ku qanca mooyaane ” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News