Saxilnews.com
Daawo:-Madaxweynaha Jabuuti Oo La Dar Daarmey Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Somaliya Farmaajo
February 22, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha dalka Jabuui Ismaciil Cumar Geele oo maanta ka qeyb galayxaflad lagu caleemo saaraayey madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya oo ka dhacdey magaalada Moqdisho ayaa waxaa uu dar daaran culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Muddane Ismaciil Cumar Geele waxaa uu sheegay in shacbiga Soomaliyeed ay si fiican u soo dhaweeyen guushiisa isla markaana waxuu ugu baaqay in kalsoonidaas ay Somalidu u muujisay gudo iyo dibadba uu ka soo baxo , oo uu ilahay la kaashado xilkan maanta loo caleemo saraayo

 

” Dadweynaha Somaliyeed maanta si gaar ah ayuu kuu soo dhaweeyey , wax baana nooga muuqdey kalgacalkaas dheer ee dalka gudihiisa iyo dibadaba lagaaga sameeyey , wax ay ku farayaan ayaa jira adiguna in aad fariintaas aad fahantey baan filayaa , waana in ay hawshaas ay kuu dirayaan aad ilahay la kaashato oo aad tusto kalsoonida ay kuu muujiyeen ” ayuu yidhi madaxweyne Ismaciil Cumar Geele

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News