Saxilnews.com
Daawo:-Madaxtooyada Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay In Ay Doorashadu Wakhtigeedii Ku Qabsoonto
November 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews) :- La taliyaha madaxweyne Siilanyo ee arimaha doorashooyinka muddaneCabdilaahi Jawaan ayaa waxaa uu walaac xoogan ka muujiyey in ay doorashadu ku qabsoono wakhtigii loo qoondeeyey oo ah horaanta sanadka cusub ee 2017

Muddane Cabdilaahi Jawaa waxaa uu sheegay hadii aan ilaahay inaga jabin abaarta xun ee gobalada dalka qaar ka jirta in aanay suurto gala aheyn in doorasho la qabto oo ay dadku codeeyaan waxaana uu yidhi

 “Xukuumaddu way qaban karaysaa amba komishanku wey qaban karayaan doorashooyinka ,lacag waa la heli karaa, lakiin dadkii footaynayey goobihii loogu talogalay ma joogaan way ka hayameen wey ka haajireen,qaarna markay xoolihii dhammadeen wey ka daaduumayaan oo meel ay ku noolaan karayaan ayey tegayaan,markaa haddii aanu ilaahay ferej kale bixin wey adkaanaysaa in ay doorasho qabsoonto” ayuu yidhi La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo Ee Arimaha Doorashooyinka, Md.C/laahi Jawaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News