Saxilnews.com
Daawo:-Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Damaanad Qaadi Kareen Dhibaato Somaliland Uga Timada Saldhiga Military Ee Imaaradka
February 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Wasiirka wasaarada madaxooyada Somaliland oo safarla xidhiidha arimaha saldhiga imaaradka ugu baxay dalka Itoobiya ayaa waxaa uu sheegay in aanay xukuumadiisu damaanad qaadi karin dhibaato Somaliland uga timada bixinta saldhigaas

“Damaanad qaadi kari mayno in balaayo ka timaado bixinta Saldhigaas , umad jirta ayaanu nahay cidii ina soo doonata waanu iska celin doonaa , Xuutiyiintana ka baqi mayno ” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi

 

Sidoo kale wasiirka madaxtooyada Somaliland waxaa uu sheegay in aanay dawlada Somaliland dhex ka aheyn dagaalka ka socda dalka Yemen oo dhinca Suniga ay la safan tahay

 ” Dhex Dhexaad kama nihin dagaalka ka socda dalka Yemen ee qeyb ayaanu ka nahay , waxaana aaanu nahay dhinca Sunga ” ayuu yidhi Wasiirku

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News