Saxilnews.com
Daawo:-Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashey Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya , Baaq Iyo Digniin Is Barkana Hawda U Marisay
February 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Xafiiska afhayeenka madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu maanta ka hadleymadaxweynaha cusub ee loo doortey dalka Somaliya Muddane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Xussen Dayr Afhayeenka madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu horeyn hanbalyeeyey madaxweynaha cusub ee Somaliya , waxaana uu hawda u mariyey baaq iyo digniino is barkan

 

Afhayeenka ayaa ugu horeyn waxaa uu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaadey madaxweynihii isaga ka horeeyey ee ku sun tana faro galinta iyo carqaladeynta Somaliland .

Dhinca kale Muddane Xussen Dayr ayaa waxaa uu si cad ugu sheegay Muddane Farmaajo in masiirka Somaliland aanay matalin siyaasiyiin u shaqo tagay xamar oo dantooda halkaas ka eegtay

Sidoo kale afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go,an tahay in la sii wado oo la sii dar dar galiyo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya , isla markaana laga gun gaadhi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News