Daawo: Maayarka Magaalada Burco oo kabaha la Dulmaray Cay iyo Habaar na isugu Daray Reer Borama

0
21
Burco (Saxilnews.com)-Maayarka Magaalada Burco oo ka hadlayey munasibaddii ay xilka kula kala wareegayen Badhasabka cusub ee Gobolka iyo Kii hore ayaa Reer Borama ku tilmaamay wax uu ku sheegay 3 Qurub Qaatayaal isagoo Habaar iyo Cay isugu daray. Maayarku wuxu tilmaamay in Borama ay Burco ku haysato magaalo madaxda labaad isla markaasna reer Borama mar walba sheegtaan inay yihiin Magaalo madaxda labaad, waxanu Khudbadiisii intii ugu badnayd kula hadlay reer borama oo ku sheegay dad cidlo ku xiiqaya isla markaasna wax aanay lahayn helina karin sheeganaya, waxanu ugu maahmaahay dad iska caashaqay Gabadh Nin qabo, iyo weliba dad fuushan faras aanay lahayn. isagoo arrimahaas ka hadlayana waxu yidhi “Dee horta Gabadh nin qabo oo halkaas shuurinaysa hadaadiska caashaqdo waa mushaakil, qolada maanta iska caashaqday magaalo madaxdii 2aad oo anay lahayn dee waxay iila muuqata nin faras aanu lahayn fuulay, taasay noqonaysa” ayu yidhi Maayarka oo sii hadlaya isla markaasna xoojinaya Burco inay weligeed ba ahayd ahaana doonto magaalo madaxda labaad wuxu yidhi ” Burco laguma muransana inay tahay magaalo madaxdii labaad ee qaranka somaliland, waar dee dastuurkay ku taallaa laguna murmi maayo” ayu yidhi
Maayar muraad oo ka xumaanta uu arrinkaas ka xumaaday ay ku dhalisay xamaasad iyo daren kacsanaan ah ayaa markii uu in badan ku dhilayey reer borama is badh qabtay isla markaasna isagoo in ay ku qabowsadaan wanaaga loo hayo yidhi ” Waar dee reer Borma waxan leyahay waxyaabo badan oo kale ayaan idin haynaayoo ammaan ah, waa gobolkii nabadgelyadaanu nidhaahna, waa gobolki aqoontaanu nidhaahnaa” ayu yidhi maayar muraad
Maayarka Burco isagoo ugu tal sheeganaya reer borama somaliland isl amarkaasna ka dhigaya kuwo aan iyagu waxba doonan karin oo u ka xigo somaliland iskana xigsiinaya sidoo kalena habaar ugu daray wuxu yidhi “waar dee saddex qurub qaate ma jiree laba qurub qaatow ku Go’ haddaad maanta doonaysaan magaalo madaxdii labaad waar heli maysaan oo wallay idinka tahay, waxyaabo kale aan idinkala doono somaliland ta” ayu yidhi maayarku
Maayarka Magaalada Burco intii uu khudbadiisa watay wuxu ku soo qaatay maahmaahyo badan oo qaarkood aad u xumaayeen isagoo reer borama ku tilmaamaya dad waalan. Haddaba Qay kamida Khudbadii Maayarka Halkan ka Daawo.
HALKAN KA DAAWO :-
Maayarka-Burcohttps://www.youtube.com/watch?v=5hRtnlLJ5j4
Xigasho Afka Shacabka
WWW.SAXILNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here