Saxilnews.com
Daawo:-Hoogaamiyayaasha Midowga Yurub Iyo Madaxweyne Obama Oo Kulmay 
November 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 
Berlin (Saxilnews):- Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka waxaa uu Madaxweynaha Mareykanka BarackObama oo ku kula kulmay  hogaamiyayaasha dalalka ugu weyn Yurub  oo ka wada hadlaayey  caqabadaha dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee ay wajahayaan dalalka saaxiibada ah.

Kulan madaxeedka uu Obama la yeelanayo hogaamiyayaasha dalalka Germany, Britain, France, Italy iyo Spain ayaa sii ballaadhinaya wada-hadalladii uu maalin ka hor la yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

Kulanka oo u muuqda kii ugu dambeeyey ee Obama uu la qaato madaxdan ka hor inta uusan xukunka ka degin bisha January, ayaa Obama waxa uu miiska soo saaray midnimada iyo wada shaqeynta joogtada ee Mareykanka uu la leeyahay dalalkan.

Waxa uu carabka ku adkeeyey in Mareykanka uu sii wadi doono inuu dunida la macaamilo.

Obama ayaa madaxweynaha badalaya ee Donald Trump ugu baaqay inuu ka hortago Russia, isaga oo sheegay inuu rajeynayo inuu qaato siyaasad wax ku ool ah oo la mid ah middiisa.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News