Saxilnews.com
Daawo:-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Doorkii Reer Awdal Ku Lahaayeen Dib U Dhiskii Somaliland Iyo Qodobada Axdi Qarameedkii Lagu Hashiiyey
February 27, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Borama(Saxilnews):-Gudoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa si faahfaahsan uu uga sheekeeyey doorkii dadwaynaha ku dhaqan gobolka Awdal ay ku lahaayeen dib u dhiska iyo midnimada Madax-banaanida Somaliland.

Gudoomiye Muuse ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qodobada axdi qarameedkii ay ku heshiiyeen Jabhadii SNM iyo Horyaal oo ka dhisnayd Gobolka Awdal waxaanu mid mid usoo qaatay qaar ka mid ah Odayaashii iyo siyaasiyiinta Reer Awdal ee xiligaasi hormuudka u ahaa wadahadaladii dhex maray labada dhinac iyo heshiiskii lagu gaadhay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Muuse Biixi ayaa khudbadan ka jeediyey madal ay taageerayaal tiro badan oo ka soo digarogtey xisbiga Waddani ay kula midoobayeen Xisbiga Kulmiye.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

COMMENTS
Latest News