Saxilnews.com
Daawo:- Faahfaahin Dheeriya Oo Ka Soo Baxay Nin Gacansade Ah Oo Lagu Diley Magaalada Laascaanood Iyo Sidii Ay Boolisku U Soo Qabteen Gacan Ku Dhiiglayaashi + Xaalada Magaalada Laascaanood
November 21, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Laascaanood (GTV)- Taliyaha qeybta ee ciidanka booliska gobolka Sool, Gaashaanle dhexe, Ibraahim Jaamac Daad, ayaa ka hadlay laba dil oo ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood, kuwaasi oo lagu dilayn  laba marxuum oo la kala odhan jiray  Marxuum-Bille Sugule  Maxamed iyo  Marxuumad Aamina Cabdirisaaq Cabdillaahi.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigleyaashii diley Marxuun Bille Sugule Maxamed, oo ahaa laba nin oo walaalo ah, iyo gacan ku dhiiglihii dilay Marxuumad Aamina Cabdirisaaq Cabdilaahi oo ahaa odaygeedii.

“Waxa gudaha magaalada Laascaanood ka dhacay dil, dilkaasi oo ay geysteen laba nin oo walaalo ah oo la kala yidhaaho Siciid Hurre Shire iyo Axmed Hurre Shire, oo dilay  Marxuum Bille Sugule Maxamed, waxaana nimankii dilkan geystay ka hawl galay saldhigyada birmadka iyo Booliska ee magaalada Laascaanood, waxaanay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, waana la hayaa gacan ku dhiigleyaashaasi,ayuu yidhi

Taliyaha Booliska gobolka Sool, waxaanu intaas ku daray   “Habeen hore laba shil ayaa ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood, oo uu midi dhimasho keenay, gabadh la yidhaaho Marxuumad Aamina Cabdirisaaq Cabdillaahi   oo uu dilay Ciise Ibraahin (Ciise Darmaan) oo saygeeda ahaan jiray, shilka kale ee dhacay ayaa ahaa nin isaga madaxa ay wax ka soo gaadheen, intaasi oo dhan boolisku gacanta ayay ku soo dhigeen dadkii geystay.”

“Ciidanka booliskana hawl galada ay sameeyeen aad iyo aad ayaan ugu amaanayaa, guulaha deg dega ah ee ay ka soo hooyeen, daacadnimada iyo hawl karnimada ayaanna keentay  in la qabto iyo sida diyaarka loogu yahay waxaana dadkan wax dilay la marin doona sharciga,”ayuu yidhi Taliyaha qeybta Booliska Sool, Gaashaanle dhexe Ibraahim Jaamac Daad.

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News