Saxilnews.com
Daawo Doon Siday Ku Dhawaad 600 Oo Tahriibayaal Ah Oo Ku Dagtay Badda Midhtareeniyaanka Iyo Tirada Dadka Lasoo Badbaadiyay
May 26, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Saxilnews.com)Doon Siday Ku Dhawaad 600 Oo Tahriibayaal Ah Oo Ku Dagtay Badda Midhtareeniyaanka Iyo Tirada Dadka Lasoo Badbaadiyay Doontaasi

tahriibayaal ah oo lagu qiyaasay ku dhawaad 600 oo qof ayaa ku dagtay badda midhtareeniyaanka ee u dhaxay dalalka masar iyo talyaaniga.

Waxana doontani iny dagto u sababa sida la sheegay kadib markii ay dadkii saarnaa doontasi ay dhinac uwada bateen  kadib markii ay arkee markab laga leeyahay dalka talyanig oo u socday markii uu arkay doonta u badbaadiyo taasina ay sababtay inay dagto doontu.

Ciidamada badda ee dalka talyaaniga ayaa dadkaasi ku qarqoomay badda u fidiyay gurmad tasi oo sida la sheegay lagu soo badbaadiyay dad gaadhaya 563 qof balse wali ma jiro warar sheegaya tirade dadka ku dhintay doontasi degtay.

Tvga Al-jasiira qaybtiisa carabiga ayaa soo bandhigay sawirada iyo muuqaalka doontasi degtay.

Waxii warar ee soo kordha kala  soco shabakada wararka ramaasnews

12 11 10 9 7 5 4 3 2 1

COMMENTS
Latest News