Daawo:-Donld Trump Iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan Oo Kulmey

0
94

New York (Saxilnews):- Ra’iisul wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa noqday hogaamiyihiiugu horeeyay dunida ee la kulmo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

Wuxuu sheegay Mr Abe inuu aaminsan yahay in xidhiidh is aaminaad leh uu la yeelan karo Trump.

 Shinzo Abe ayaa jawiga kullanka oo ka dhacay dhismaha Trump ee ku yaalla New York ku micneeyay mid aad u diirranaa.

Donald Trump ka muusan qeybgalin shirka jaraa’id ee uu qabtay ra’iisul wasaaraha dalka Japan.

Fasax dhanka maamuuska ah aawadii, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka kumeysan lug yeelanin qabanqaabinta kullankaasi.

Donald Trump, ololihiisii doorashada intuu ku jiray wuxuu Japan iyo dalalka kale ee Aasiya ku booriyay inay dhaqaale ku bixiyaan militariga Mareykanka.

Sidoo kale diidmadiisa dhanka ganacsiga Trans-Pacific ayaa waxay sii hurisay walaaca Aasiya.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here