Shanghai (Saxilnews):- Khamiistii todobaadkan ayay ahayd markii maamulka dalka Shiinuhu daahaka rogay, diyaarad rakaab oo ka mid ah kuwa waaweyn ee dadka Rakaabka ah iyo xamuulka qaada, taas oo gabi ahaanba lagu farsameeyay dalka Shiinaha, khubaro u dhashay waddankaasina ay ikhtiraaceen.
Diyaaradan oo loogu magac daray, C919, ayaa gashay duulimaad lagu tijaabinayo oo sagaashan daqiiqo qaatay, waxaanay hawada sare u gashay qiyaas dhan afar kun iyo shan boqol oo mitir, taas oo ka yar inta diyaaradaha kale ee Airbus iyo Boeing ay gaadhaan oo sagaal kun ah, shan qof oo shaqaale ah ayaa raacay, waxaana lagu eedeeyay in injineerada Shiinuhu ay xadeen nashqada iyo sancada diyaaradaha Airbus iyo Boeing.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan