Saxilnews.com
Daawo Daacish oo Magaalada kusoo dhax wareejisay Maxaabiis kahor inta aysan dilin(Daawo Sawirada)
February 22, 2015 - Written by admin

Kooxda Daacish ayaa baahiyay muuqaalka maxaabiis kurdiyiin ah iyaga oo qafisyo ku dhax jira gacmahana ka xiran lagu soo dhax wareejiyay wadooyin mashquul badan oo katirsan Magaalo katirsan Gobolka Kirkuk.

Maxaabiis gaaraya 21-nin oo katirsan Xoogaga Kurdiyiinta ee loo yaqaan Peshmerga ayaa lagu soo dhax wareejiyay wadooyin waa weyn kahor inta aan la geyn goob lagu dili lahaa, waxaana Maxaabiistan ay xirnaayeen dharka maxaabiista .

Muuqaalka ay baahisay Kooxda Daacish ayaa sidoo kale muujinaya wareysiyo laga qaadayo qaar kamid ah dagaalyahanada kurdiga ah ee gacanta ugu jiray, waxaana la arkayay iyada oo argagax iyo murugo ay ka muuqato maxaabiistan ay heestaan kooxda Daacish ay u diyaarinayaan in ay dilaan.

Maxaabiistan oo ku dhax jira qafis ayaa la saaray baabuur , waxaana baabuurta lagu kaxeenayay maxaabiista ka dul bananaya calanka Kooxda Daacish,waxaana maxaabiistan markii dambe la geeyay goob ay sheegeen daacish in ay ku dilayaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO-GA 









 

 

COMMENTS
Latest News