Saxilnews.com
Daawo:-Agaasimihii Guud Ee Dhamaan Hay’adaha Sirdoonka Dalka Maraykanka Oo Iscasilay
November 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

USA (Saxilnews):- James Clapper oo ahaa Agaasimaha Guud ee dhamaan hay’adaha sirdoonka Maraykan ayaa xilkii iska casilay.Agaasimahan oo uu xilka u magacaabay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama ayaa ahaa madaxa guud ee hay’ado gaadhaya 17 oo ah kuwa Amniga iyo sirdoonka Maraykanka oo ay ku jiraan CIA, FBI iyo NSA.

Mr.Clapper ayaa bartiisa twitterka ku qoray inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu shaqada ka tago kahor inta uusan xilka la wareegin Madaxweynaha Cusub Donald Trump.

Madaxweynaha xilka la wareegi doona Donald Trump ayaa laga sugayaa in marka ay dhacdo xil wareejinta bartamaha bisha koowaad ee sanadka soo socda, inuu markaasi dad cusub u magacaabo xilal gaadhaya afar kun (4000) jago oo kamid ah hay’adaha kala duwan ee Xukuumada Maraykanka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News