Saxilnews.com
Daawo:- 27-Kii Qoys Ee Arooska Qarniga Qybtiisa 2aad Oo Ku Todoba Baxay Buraha Dhaadheer Ee Toga Herereed
November 24, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Jig Jiga:(Saixlnews)-27-kii aroos ee arooska qarniga qaybtiisi labaad oo dadab galkoodu ka dhacay xarunta dhaqanka ee magaalada Jig-jiga  ayaa todoba baxoodi koobaad ku soo baxay gobolka Herar, gaar ahaana degmooyinka Xamaro iyo Qubi iyaga oo siweyn ugu damaashaaday toga Herareed.

Qaarka mida xubnaha nasiibka u helay inay is aroostan oo madasha ka hadlay ayaa waxaa ay yidhaaheen “Waxanu todobaxayagii ugu horeeyay ku qaadanaynaa Kash kaashka, hidaha iyo dhaqanka iyo soo dhaweynta Xamaro aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa,”

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan caawa ku fadhiyo kash kaash, kaasi oo ah midkii aanu ka soo jeednay ee Aabaheen iyo Hooyadeen ay inagu dhaleen ee dhaqanka inoo ahaa, anaga oo 27-kii aroosa sida nabad galiyada iyo farxada leh ee naloogu soo dhaweeyay anaga ka hablo iyo inaba ahaan waanu ku faraxsanahay, nabadgaliyadaasi aanu ku naalooneynana waxaa keenay dawlada deegaaneedka Itoobiya”

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News